Saturday, April 18, 2026
28.5 C
Mogadishu

Siyaasi caan ah oo Ruushka u dhashay oo Koomo galay, kaddib markii la sumeeyay

Siberian (Halqaran.com) – Diyaarad siday siyaasi caan ah oo Ruushka u dhashay ayaa la sheegay in uu miyir doorsoomay/Koomo galay, kaddib markii la sheegay in la sumeeyay xilli diyaaradda ay hawada ku jirtay ayna kasoo baxday Magaalada Siberian ee Omsk ee Jarmalka.

Wararka ayaa sheegaya, in diyaaradan ay si deg deg ah u degtay, waxaana la sheegay in la dhigay Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka si xaaladiisa Caafimaad loola tacaalo.

Navalny, oo ah 44 jir siyaasi ah iyo baaraha musuqmaasuqa waxaa uu ka mid yahay Shaqsiyaadka dhaleeceynta ugu daran ee madaxweynaha Russia Vladimir Putin.

Siyaasi Navalny ayaa la dhigay qolka daryeelka deg-degga ah ee Omsk.

Taageerayaashiisa ayaa rumeysan in shaaha uu cabay lagu sumeeyay iyo in Kremlin ay ka dambeyso xanuunkiisa.

Dhakhaatiirta Ruushka ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo sumowga ah, waxayna Kremlin beenisay mas’uuliyiinta inay isku dayeen inay ka hor istaagaan wareejinta inay dhacdo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...