Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Dowladd goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay saqdii dhexe si wadajir ah u soo saaray War-saxaafadeed, ay ku diidan yihiin qodobbadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo shalay la soo gabagabeeyay.
War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ay kuwada hadleen khadka teleefanka, isla markaana ay si dhow uga wadahadleen xaaladda dalka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri, in iyadoo ay labada Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ixtiraamayaan madaxdii ka qeybgashay shirkii Dhuusamareeb Saddex, aysan hadane iyagu qeyb ka aheyn shirkaasi, laguna matelin.
Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







