Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ka soo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo maqribkii caawa ka dhacay isgoyska Jubba ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa beegsaday oo isku qarxiyay maqaaxi ku taala Isgoyska Jubba, gaar ahaan meel ku dhow kontoroolka laga galo Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA).
Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobtaasi laga maqlay rasaas xoogan, oo ay fureen Ciidamada Dowladda, iyadoona maqaaxida la beegsaday ay fariisan jireen Ciidamada Dowladda, qaarkood.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay isku gadaameen maqaaxidii uu qaraxu ka dhacay, ka hor intii aanay halkaasi gaarin shaqaalaha caafimaadka iyo gaadiidka gurmadka deg-degga.
Inta la ogyahay saddex qof, oo laba ka mid ah ay Ciidamada Dowladda yihiin ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.
Weli kama aysan hadlin saraakiisha laamaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir qaraxii maqribkii caawa ka dhacay Caasimadda Muqdisho.
Ugu dambeyn, bishii hore ee July 2-deedii ayay ahayd markii nin uu isku qarxiyay maqaaxi kale oo ku taala Isgoyska Jubba, ayna ku dhinteen 10 qof oo rayid u badan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





