Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in Sabtida soo socota uu ka furmo Magaalada Muqdisho, kadib markii Arbacada maanta ah uu dib u dhac ku yimid.
Shirka oo ay ka qaybgeli doonaan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka furmi doono Xerada Afisyooni.
War qoraal ah oo caawa ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah uga furmaya Afisyooni, maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021.
Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisal Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonnaa diyaargarowga Doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





