Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay howlgal lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen nawaaxiga degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelada Hoose, isla markaana ay ku dileen Sarkaal iyo xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsasn Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay, in la dilay Sarkaal bartilmaameed u ahaa Ciidamada oo ku sugnaa nawaaxiga Kuntuwaarey.

Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday goob la sheegay in ay isku uruursanayeen Xubno ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo qorsheynayay in ay weeraro ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo dhawaan howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Kuntuwaarey ayaa sheegay, inay ku dileen Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...