Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James swan ayaa ugu baaqay Maamullada Puntland iyo Jubbaland inay ka qeyb galaan Shirka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
James swan ayaa sheegay in uu ka xun yahay ka maqnaanshaha labada maamul ee Shirka Dhuusamareeb.
“Sidaasi darteed, waxaan ka xunnahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Islaam (Axmed Madoobe) ka maqnaashahooda kulankan muhiimka ah. Waa wax laga xumaado in ay diideen ka qeybgalka shirkan iyadoo loo jeediyay codsiyo badan oo ka imaanaya Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliyeed iyo bah wadaagta caalamka.‘‘
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Khudbad uu u jeediyay Qaramada Midoobey ayuu mar kale ku celiyay in loo baahan yahay in Shirka Dhuusamareeb laga soo saaro go’aan Mideysan.
“Waan ognahay in aragtiyo kala fog ay kala haystaan hoggaamiyeyaasha iyo in xiisadda siyaasadeed ay kacsan tahay mar walba doorashada kahor. Haddana, waa xilliyada ay lama huraanka tahay in madaxda dalka ay wada hadlaan, soona bandhigaan aragtiyadooda ugu wanaagsan si loo gaaro xalal dan u ah shacabka Soomaaliyeed”
Ugu damebyn, waxaa magaalada Dhuusamareeb hadda ku sugan Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Saddex Maamul Goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kuwaas oo halkaasi u tegay furitaanka Shirka wadatashiga Dhuusamareeb, balse waxaa ka qeyb galka Shirka Dhuusamareeb shuruud ku xiray Madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com