Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

Burcad badeed afduubatay Markab ku soo jeeday Dekedda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Puntland ayaa sheegaya in kooxo burcad badeed lala xiriirinayo ay qafaasheen markab shixnad ganacsi u siday dekadda magaalada Muqdisho.

Markabka oo ka yimid dhinaca dalka Emirate-ka Carabta ayaa waxaa la sheegay inuu watay calanka dalka Panama.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in burcad badeed ka soo jeeda Puntland, ay xalay gacanta ku dhigeen markabkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Puntland, Muuse Saalax Guuleed ayaa xaqiijiyay in illaa lix nin oo hubeysnaa ay qafaasheen markabkaasi, oo ku sii jeeday Dekeda Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma cadda halka ay kooxdaasi ula dhaqaaqday markabkaasi, waxaase mar sii horeysay soo baxayay warar sheegaya in burcadda ay hub oo keliya kala daggeen markabka oo aysan afduuban.

Sidoo kale, Wax badan lagama oga shaqaalaha la socday markabka dhexda loo galay, ee sitay calanka wadanka Panama.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...