Boosaaso (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya, in maanta markale uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Timirshe oo ka tirsan degmada Isku-shuban ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ee PSF iyo xubno ka mid ah maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.
Dagaalkan oo shalay bilaawday ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Puntland oo ka tagay magaalada Boosaaso ay howlgal ugu baxeen deegaanka Timirshe ee Buuraha Calamadow. waxaana maalintii labaad halkaas ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka Maanta uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Weli wax faah-faahin ah kama bixin laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Puntland dagaalka Maalintii labaad deegaanno ka tirsan Gobolka Bari ku dhexmaray Ciidamada PSF iyo Kooxda Daacish.
Ururka Daacish ayaa mararka qaar weeraro ka fuliya deegaanno hoostaga Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





