Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho oo war ka soo saaray khasaaraha qaraxii Muqdisho oo kordhay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa war kasoo saaray qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo dhalinyaro u badnaa, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa marka hore tacsi u diray ehellada dadkooda ay ku dhinteen qaraxii xalay, isagoo kuwa dhaawacmayna Alle uga rajeeyey caafimaad.

“Anigoo ku hadlaayo magaceeyga, kan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkii bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo ku taalla degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaa in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay musiibadaasi,” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxa ay si bareer ah uga soo horjeedaan nolosha iyo horumarka Umadda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir ah meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Filish.

Ugu yaraan 11 qof oo u badan dhalinyaro aqoonyahano ahaa ayaa maanta lagu aasayaa qabuuraha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo xalay fiidkii hore ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...