Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Shirka doorashooyinka oo maalintii labaad socdo

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maalintii labaad teendha ku taalla Xarunta tababarka Ciidamada Cirka Soomaaliyeed shir uga soconaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ay madaxda shanta dowlad goboleed , Farmaajo , Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo maamulka gobolka Banaadir kawada qeyb galayaan ayaa looga hadlayaa sidii loo xalin lahaa qilaafaadka hareeyay doorashooyinka.

Kulanka madaxda oo ay saxaafaddu dibad joog ka tahay ayaa waxa uu yahay mid gogol xaar u ah shir ay madaxda maalmaha soo aadan yeelan doonaan.

Ajendayaasha kulanka looga hadlayo ayaana waxaa qeyb ka ah sidii loo xalin lahaa qilaafka doorashooyinka, arrinta gobolka Gedo, arrinta guddiyada doorashooyinka  iyo cidda soo magacaabeysa xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...