Muqdisho (Halqaran.com) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya, weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya, in nin xirnaa jaakad ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala Degmada Shangaani ee gobolka Banaadir
Ilaa iyo Lix ruux oo mid ka mid ah uu canug yar yahay ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhaawacantay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
“Caawa abaare 7:00PM fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhallinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani. Allaha u naxariisto ummadda aan waxba galabsan ee argagaixisadu weerartay.” Ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Doodishe.
Ra’iisal Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi dadka rayidka ah lagu laayay.
“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Al-Shabaab ku laayeen dhalinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan.” Ayuu yiri RW Rooble.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





