Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig ciidamada DF Soomaaliya ku leeyihiin deegaannada Sabiid iyo Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal uu dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka Afgooye, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay nolosha ku qabteen qaar kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa waxay sheegeen inay heleen xogta ku saabsan weerarka kaga yimid Al-Shabaab, islamarkaana dagaal kooban ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaannada Sabiid & Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...