Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda oo dagaal ku jira /Sawir hore/

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig ciidamada DF Soomaaliya ku leeyihiin deegaannada Sabiid iyo Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal uu dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka Afgooye, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay nolosha ku qabteen qaar kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa waxay sheegeen inay heleen xogta ku saabsan weerarka kaga yimid Al-Shabaab, islamarkaana dagaal kooban ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaannada Sabiid & Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com