Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaaay xubnaha Puntland ku metala Golayaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr. Deni ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ee uu la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah, Sii-hayaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda DF Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Xubno kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa Warbaahinta u sharraxay waxyaabaha ugu muhiimsanaa kulanka oo ay ka wad hadleen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Golaha Wasiirrada.

Halka hoose ka dhageyso Codka Afhayeenka Madaxtooyada Puntland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...