Thursday, June 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda fedearalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalanka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiilka tirsan qyebta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ujeedada Wafdiga Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay qiimeynta xagga Amniga Gobalka, Furista Maxkamadda u gaar ah Ciidamada ka howlgalla deegaannada Galmudug iyo Dar-dar gelinta Howlaha Maxkamadda Ciidamada.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda fedearalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa ay Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaateen Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.cm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...