Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Amarro looga hortagayo faafitaanka Covid-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Shir jaraa’id oo galabta ay Magaalada Muqdisho ku qabteen Wasiirada Caafimaadka, Warfaafinta iyo Amniga oo ay hareer jooggeen Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dakka iyo Booliska ayaa lagu sheegay in dowladda oo ka duulaysa xaaladda faafista cudurka COVID-19 iyo talooyinka ay bixiyeen madaxda sare iyo khubarada caafimaadka ay soo saartay amaro cusub oo lagu xakameynayo xanuunka.

Wasiirka warfaafinta, Cismaan Abokar Dubbe ayaa sheegay in la fasaxay shaqaalaha dowladda, marka laga reebo shaqaalaha ka hawlgala meelaha muhiimka ah ee aan adeeg bixinta dowladda looga maarmin, lana joojiyay dhammaan kulamada bulshada.

Dawladdu waxay bulshada ku adkaysay in la dhaqangaliyo dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga cudurka COVID-19, oo ay ku jirto in la kala fogaado af-xirkana la qaato, waxaana masaajidda, goobaha waxbarashada iyo cayaaraha loo samaynayaa hab nidaamin gaar ah oo lagu ilaalinayo bedqabka bulshada.

Wasiirka Caafimaadka, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay in 24-tii saac ee la soo dhaafay ay cudurka u geeriyoodeen ilaa 15 qof, 50 kalena ay u jiifaan Isbitaalada dowladda, sidoo kalena ay jiraan dad cudurka u geeriyooday oo aan la diiwaangelin, taas oo muujinaysa in khatarta cudurku sare u kacday.

Dr Fowsiyo ayaa sheegtay inay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO la kaashanayaan baaritaanka cudurka COVID-19, si loo ogaado nooca cusub inuu yahay iyo in kale, iyadoo tallaaka cudurka sheegtay in dhawaan uu soo gaari doono, kaas oo xakameyntiisa qayb weyn ka qaadan kara.

Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa isna sheegay in dowladda ay masuuliyad ka saaran tahay badbaada bulshada, sidaa darteedna go’aanadan lagu saleeyay aqoon caafimaad iyo xog ogaalnimada xaaladda dalka, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadu u xilsaaranyihiin dhaqangalinta go’aanada dowladda ka soo baxay.

Ugu dambeyn, wasiirka oo la weydiiyey banaanbaxa ay musharraxiinta xilka madaxweynaha qaarkood ku baaqeen ayaa xusay inuusan jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaaray, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogoleyn kulan dadweyne, si cudurka looga digtoonaado.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...