Boosaaso: Ciidamada Puntland oo fashiliyay qaraxyo la diyaarinayay

Boosaaso (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa fashiliyay qaraxyo lagu diyaarinayay gudaha Magaalada Boosaaso, kadib markii macluumaad la xiriira ay helayn.

Xoogaga ammaanka ayaa soo bandhigay muuqaalo ku aaddan qaraxyada, ay sheegeen in lagu diyaarinayay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

“Hawlgal ay Ciidanka PSF ka sameeyeen Boosaaso ayaa waxay ku guuleysteen in ay kaga hortaggaan qaraxyo ay Al-Shabaab ku diyaarineysay goobo ku yaal Magaalada Boosaaso, iyada oo ay Ciidanka PSF helayn warbixino ku aaddan falal argagixisanimo oo ay damacsan yihiin Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in qaybo ka mida qaraxyadaasi la gayn jiray Buuraha Cal Madow ee qaybta Gobolka Bari, si loogu waxyeelo shacabka iyo Ciidamada Puntland.

“Waxayna ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada, qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado Buuraha Cal Madow, si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo Ciidamada Puntland.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay aheyd Isniintii la soo dhaafay, markii Ciidanka PSF ay gacanta ku soo dhigeen laba iyo toban xubnood oo Shabaabnimo loo haystay, lagana soo qabtay deegaanada Maraje, Booj iyo Dhagax-dhaabur ee Buuraha Cal Madow.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com