Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Muxuu ahaa qoraalka uu guddoomiye Cabdi Xaashi u diray Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyada?

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu u diray Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday iyo dowlad Goboleedyada waxaa uu dalbaday in loo madax banaaneeyo arrinta gobolada Waqooyi ee doorashooyinka.

War qoraal ah oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa lagu sheegay in aan wax tixgelin ah laga siinin shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ee ka qabsoomay Dhuusamareeb Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, waxaana lagu eedeeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo Xukuumadiisa inay dadaaal adag u galeen in aan laga hadlin arrimaha doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland, isla markaana ay faafiyeen warar ay kamid yihiin inay heshiiyeen iyo in guddiga loo qeybiyay.

Qoraalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu soo bandhigay 4 Qodob oo muhiim u ah arrimaha doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kuwaas oo kala ah;

1- In ay si madax-banaan u maamulaan Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi  habsami u socodka nidaamka doorashooyinka labada Aqal ee Gobolada Waqooyi si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020.

2- Dejinta habraacyada gaarka u ah  doorashada xubnaha labada Aqal ee Gobolada Waqooyi gaar ahaan kuwa Aqalka Sare.

3- Dhismaha Guddiga doorashooyinka iyo hubinta hirgelinta howlaha doorashooyinka heer waafaqsan nidaamka Guud ee doorashooyinka dalka.

4- Xulashada  Goobta ay ka qabsoomeyso  doorashada, hubinta amaankeeda iyo xaqiijinta in ay soo geli karaan dhamaan ergooyinka iyo musharraxiinta tartamaya, Warbaahinta iyo goobjoogayaasha.

“Mudanayaal waxaan idinla socod siineysaa inaanu jirin wax heshiis ah oo laga gaaray arrimaha aan kor kusoo xusnay, sidoo kale aaney jirin laba dhinac oo reer Waqooyi ah  oo isku haya doorashada, balse mushkiladu tahay qorshaha  iyo damaca  lagu raadinayo dib u soo noqoshada madaxweynaha taas oo sitoos ah uga hor-imaaneysa  rabitaanka Guud ee ah in dadka Reer Waqooyi si madax bannaan u maamushaan doorashada sida Gobolada kale ee dalka‘‘.

Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa lagu sheegay in dadka kasoo jeeda Gobolada waqooyi ay xaq u leeyihiin diyaarna u yihiin  inay ka qeyb-galaan oo taladooda ku biiriyaan kulamada dambe ee looga hadlayo xal u helida arrimaha ku gadaaman hirgelinta doorashooyinka dalka si ay ku dheehan tahay midnimo iyo Soomaalinimo.

Ugu dambeyn, war qoraalkan ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada ee ku shiray Baydhabo ay shaaciyeen inay heshiis ka gaareen arrimaha doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...