Wednesday, July 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

AKHRISO: Shanta qodob oo ay ku heshiiyeen guddiyadii ku shirsanaa Baydhabo +(War-saxaafadeed)

Baydhabo (Halqaran.com) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa xalay lagu soo xiray shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday DF Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana ay halkaasi ku gaareen heshiis la xiriir dhanka doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiyada oo ka kooban 14 Xubnood ayaa ka hadlayay caqabadaha heysta doorashooyinka Soomaaliya, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka Madaxda dowladda Soomaaliya.

Guddiga ayaa waxa ay soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban Shan qodob oo kala ah:

1 – Cabasho laga muujiyay Guddiga Doorashada ay dowladda Magacaawday.

2 – Xal u helida guddiga dooraashada Somaliland.

3 – Xaalada Gobolka Gedo oo ah caqabada koobaad ee doorashooyinka Soomaaliya, balse ay sheegeen in xal laga gaaray.

4 – Adkeynta Qoondada Haweenka.

5 – Jadwalka Qabsoomida Doorashada.

Shanta qodob oo ay soo saareen guddiga ayaa waxaa loo gudbiyay madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada si ay uga tashadaan, kadibna ay soo saaraan, iyaga oo wada jira inay isku raaceen qodobbada ay soo saareen guddiyada.

Guddiga ayaa ku baaqay in 18-02-2021 Madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday ee Dowlada Federalka, Dowlad Gobeedyda iyo Gobolka Banaadir shir deg deg ah ay isugu yimaadaan, in kastoo aysan shaacin halka rasmiga ah ee shirkasi lagu qabanayo.

Isku soo wada duub, heshiiskan ay magaalada Baydhabo ku gaareen guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Xubnaha Midowga musharraxiinta ay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah Madaxwyene Farmaajo, kaas oo ay sheegeen in Jimcaha todobaadkaan lagu qabanayo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...