Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

DF Somaliya oo mamnuucday gabi ahaan isu-imaatinada bulshada

Mqudisho (Halqaran.com) – Shir ay isugu yimaaddeen Wasiirada Wasaaradaha qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka COVID-19 oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Warbixin dhammaystiranna lagaga dhegeystay bahda caafimaadka oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur iyo khabiirka caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo xaqiijiyey in cudurkii COVID-19 oo si xowli ah ugu fidiyo bulshada.

Sidoo kalena ay tixgeliyeen baaqyada isdaba joogga ah ee ka soo baxaya qaybaha kala duwan ee Bulshada sida culuma’udiinka, ganacsatada, bahda Waxbarashada, aqoonyahanka, indheer garadka, haweenka iyo dhallinyarada, islamarkaana ay la tashadeen Madaxweyne Maxamed Cabdillahi Farmaajo;

Waxa ay Xukuumaddu soo saartay amaradan:

  • In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe.
  • In gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.
  • In ay waajib tahay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask
  • In la joogteeyo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir.
  • In la yareeyo isu socodka gobolada iyo safarada laga maarmi karo.
  • In masaajidda oo ah goobo cibaado bulshaduna si joogto ah isugu timaaddo lagu dedaalo kala fogaan, af dabool iyo nadaafadda oo kor loo sii qaado.
  • In Ciidamada amnigu ay u xilsaaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan.
  • Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah.
  • Adna isu nax, dadkaana u nax.
  • Ilaahay ha inaga badbaadiyo cudurkan kala qaaday ehelkii adduunka isugu jeclaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...