Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

VIDEO: M/weyne ku-xigeenka Puntland oo maanta daah-furay Barnaamijka iskaasiga Caalamiga ah ee Waxbarashada

Garoowe (Halqaran.com) – Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ku simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa Arbacadii maanta daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu si rasmi ah u daafuray Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland, wuxuu ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isagoo muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso in la horumariyo Waxbarashada.

Barnaamijkan Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland oo ay wadashaqeyn leeyihiin, Iskaashiga Horumarinta Waxbarashada Adduunka ee (GPE), waa qorshe lagu horumariyo Waxbarashada qeybaheeda kala duwan, iyadoo xoogga la saarayo deegaamada ka fog fog magaalooyinka waaweyn.

Kulanka waxaa Madaxweyne ku-xigaanka kala qeybgalay Masuuliyiinta Waaaaradda Waxbarashada, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Madaxda Hay’addaha kala shaqeynaya Wasaaradda Barnaamijkan oo uga qeybgalay kulanka hab maqal iyo muuqaal ah, qaar ka mid ah ardeyda Puntland iyo marti sharaf kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...