Tuesday, May 12, 2026
31.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo kordhinaya taageerada uu siiso Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareynkanku Soomaaliya ku siiyo la dagaalanka xagjirka iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha ciidamada iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga dalka oo dhan ku filnaadaan si AMISOM looga maarmo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...