Jowhar (Halqaran.com) – Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa ka dhacday Magalaada Jowhar , iyadoo si weyn loo adkeeyay Ammaanka Xaafaddaha ay ka dhaceyso doorashada.
Doorashadaan oo aheyd mid ugu xiisaha yareyd dhammaan doorashooyinkii maamul goboleedyada waxaa Madaxweynaha ku tartamay Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan.
Waxaana doorashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ku guuleystay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Cali Guudlaawe ayaa helay codad gaaraya 86 cod, halka Musharaxa la tartamaayay Cabdiraxmaan Jimcaale uu helay 13 cod.
Xildhibaanada codeynaayay ayaa waxa ay gaarayaan illaa 99 Xildhibaan oo guud ahaan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle uu ka kooban yahay.
Sidoo kale, xildhibaanada 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa maanta doortay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Maamulka Hirshabelle, iyagoona u doortay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Yuusuf Dabageed ayaa ayaa helay codad gaaraya isagoo 87 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Maxamed Maxamuud Cabdulle uu ka helay Codad gaaraya 12 Cod.
Ugu dambeyn, tartanka doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa ayaa ahaa min hal wareeg, maadaama laba laba Musharax kaliya u tartamayeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





