Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

UPDATE: Xoghayihii KMG ee Xafiiska R/wasaarihii hore oo xilkii laga Xayuubiyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaqadda ka ceyriyay Cabdirisaaq Caato oo xilkaasi la wareegay 28- bishii lasoo dhaafay, islamarkaana magacaabay maalmo kooban.

Wararka ay helayso warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegay in shaqo ka ceyrintaan ay aheyd mid deg deg ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka Sii-hayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayuu ku yiri, “Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R’iisul wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan‘‘.

Waxaa jahwareer xooggan ka jiraa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha tan iyo markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmi ah ee ka dambeysay isbedelkan deg degga ah ee uu sameeyey Mahdi Guuleed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...