Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

WHO oo dalalka Afrika uga digay halista ka imaaneysa qaadista xayiraadaha Cudurka Covid-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa dalalka Afrika uga digay in ay fududeeyaan ama qaadaan xayiraadaha Cudurka Coronavirus, maadaama tirada Dadka uu ku dhacay Qaaradda ay laba laabantay Bishii la soo dhaafay.

Agaasimaha Gobolka ee hay’adda WHO ee Afrika, Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in kabadan 20 Dal oo Afrikaan ah in ay ka diiwaan galiyeen kiisas cusub , iyada oo South Africa ay tahay halka ugu badan ee uu korodhka ka jiro.

Waxaana xaalado horleh laga soo sheegayaa Waddamada Kenya, Madagascar, Nigeria, Zambia iyo Zimbabwe.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in Qaaradda Afrika uu ku dhowaad 890,000 Qof haleelay cudurka Coronavirus, halka 18,000 ay u dhinteen.

In ka badan 17.4 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa laga helay cudurka Coronavirus.

Waxaana ka soo kabsaday in ka badan 10.2 milyan oo bukaan ah, ugu yaraan 677,000 ayaa ku dhintey, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...