Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’isul wasaarihii Xukuumadda, Xasan Cali Kheyre oo Sabtidii maanta Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabtay ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii uu kasoo ambaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya tiro Xildhibaanno iyo Wasiir ka tirsanaa xukuumaddiisa.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, halkaas oo uu warbaahinta kula hadli doono.
Kheyre ayaa lagu waddaa in uu ka hadlo go’aankiisa ku aadan kalsooni kala noqoshadda Golaha shacabka ee BF Soomaaliya.
Wararka Kale ee maanta oo Xiiso Leh:
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra’iisul wasaare kumeel gaar ah oo howlaha sii wada
Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay Kalsooni kala noqoshada RW Kheyre & Xukuumadiisa
https://halqaran.com/index.php/2020/07/25/update-guddoomiye-mursal-oo-shaaciyay-in-kalsoonida-lagala-noqday-rw-kheyre-xukuumadiisa/
Kala soco marwalba wararkii ugu dambeeyay Halqaran.com
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





