Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dar-dargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed.
Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020.
Wararka Kale ee maanta oo Xiiso Leh:
UPDATE: Xasan Cali Kheyre oo si deg-deg ah dib ugu soo noqday Muqdisho
Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay Kalsooni kala noqoshada RW Kheyre & Xukuumadiisa
https://halqaran.com/index.php/2020/07/25/update-guddoomiye-mursal-oo-shaaciyay-in-kalsoonida-lagala-noqday-rw-kheyre-xukuumadiisa/
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





