Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa saaka ka dhacay bar Koontorool oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Isgoyska Sayid ee magaalada Muqdsiho
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay bar koontarool oo ciidamada DF Soomaaliya ku leeyihiin Isgoyska Sayidka, halkaasi oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu aha NOHA, isla markaana markii hore uu si xowli ah uu ku soo maray Isgoyska dambe Ciidamada dowladana ay rasaaseeyeen, hayeeshee ugu dambeyn uu ku qarxay Barta Gaadiidka lagu hubiyo ee Isgoyska Sayidka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Halqaran News waxaa ay u sheegeen inay arkayeen burburka Gaariga iyo Mootooyin Bajaaj, sidoo kale ay jiraan dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa, balse aan weli la cadeyn inta ay la egyihiin.
Gawaarida gurmadka deg dega ayaa garaay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday dadka ku dhaawacmay qaraxa.
Ugu dambeyn, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa buux dhaafiyay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena wariyeyaasha u diiday inay muuqaalo ka duubaan Goobta.
Wixii ku soo kordha kala soco Halqaran.com Insha allaah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





