Friday, April 17, 2026
28.5 C
Mogadishu

Mareykanka oo albaabada u furaya muhaajiriinta inay soo galaan dalkiisa

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden iyo maamulkiisa cusub ayaa shaaca ka qaaday inuu billaabi doono in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo magangalyo doon ah oo haatan ku xayiran dalka Mexico.

Maamulka ayaaa xusay, in laga billaabo isbuuca soo socda uu ka hawlgali doono codsiga 25,000 oo qof oo dacwaddooda magangelyo doonka ay haatan diyaarka tahay.

Dadka magangelyo doonka ahi ayaa marka hore waxaa laga rabaa inay isa soo diiwaan geliyaan oo ay soo maraan baaritaanka cudurka Covid-19, ka hor inta aan loo ogolaan in ay ka soo tallaabaan xudduudda.

Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu laalo siyaasadihii sida weyn loo dhaliili jiray ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.

Si kastaba, Donlad Trump ayaa sanadkii 2019 meel-mariyay sharci dadka megengalyo doonka ahi ka hor istaagayo in ay soo galaan gudaha dalka Mareykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...