Friday, May 29, 2026
27 C
Mogadishu

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Port Elizebeth (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in kooxo burcad oo dalkaasi u dhashay ay xalay dil iyo dhaawac u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida howlaha ganacsiga u tagay dalkaasi.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray Cabdixakiin Jeelle iyo Mikaa’iil Bitoow, waxaana la sheegay in lagu dilay Goob Ganacsi oo ku taal Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Kooxaha Burcada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku weerareen goobtooda Ganacsiga, sidoo kalena ay weerarkaas ku dhaawaceen Wiil Dhallinyaro ahaa oo Goobta uu werarka ka dhacay ku sugnaa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa sida caadada aheyd waxaa ay tageen halka uu dilka dhacay, hayeeshee kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan kooxihii dilka u geystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ilaa iyo 4 muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana dilalkaas weli ka hadlin Madaxda dalalka Koonfur Afrika & Soomaaliya, iyada oo horay loo dilay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...