Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa maanta daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha.
Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.
Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha iyo hawlwadeenada.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa wasiirka ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





