Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

UPDATE: Taliyihii ciidanka Ilaalada Madaxweyne Qoorqoor oo lagu Dilay Dhuusamareeb

Taliye Cabdi Yare (Magaradow).

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Taliyihii Ciidanka Ilaalada ee Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdi Yare (Magaradow) ayaa u geeriyooday rasaas meel fog laga soo tuuray, xilli uu ku sugnaa Xaruntii hore ee gobolka, oo hadda ah goobta uu ku shaqeeyo Madaxweyne Qoorqoor.

Sarkaal ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaaalada Dhuusamareeb ayaa mareegta Halqaran.com u xaqiijiyay geerida Cabdi Yare, oo lagu naaneysi jiray Magaradow.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa yiri “Allaha u naxariisto waa uu dhintay Cabdi Yare (Magaradow), nimankii Sufa ahaa ayaa ka soo toogtay meel fog.”

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Sarkaalka la dilay uu ka mid ahaa Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ee ay billo ka hor dowladdu geysay Magaalada Dhuusamareeb.

“Magaradow wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada fir fircoon ee Hay’adda Nabad Suggida, dhawaan baa laga soo wareejiyay Magaalada Muqdisho, oo halkaan loo soo wareejiyay.” Ayuu yiri Sarkaalkan.

Cabdi Yare oo deegaan ahaan ka soo jeeday Koonfur Galbeed ayaa ka mid ahaa Saraakiisha, sida dhow loola xiriiriyo Madaxweyne Qoorqoor.

Dilka Cabdi Yare ayaa la hadal haya in uu kaga sii dari karo xaaladda ka jirta Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...