Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Jubbaland oo gurmadkii ugu horreeyay geysay gobolka Gedo iyo Wararkii ugu dambeeyay

BeledXaawo (Halqaran.com) – Tan iyo markii Jubbaland ay Khamiistii gurmadkii ugu horreeyay oo ciidan, ay geysay xuduuda Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo halkaasi ay ka wadaan.

Ciidamadan ayaa ku biiray Ciidamadii Jubbaland ee horey ugu sugnaa halka loo yaqaano BIBI One, oo ka tirsan Degmada Mandhera, halkaasoo toddobadyadii la soo dhaafay uu ku sugnaa Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Wararka ayaa sheegaya Ciidamada Jubbaland ee gaaray xuduuda Degmada BeledXaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, in ay maalintii Arbacada ka taggeen Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, aroornimadii hore ee khamiistana ay gaareen BIBI ONE.

Ciidamada taabacsan Jubbaland ayaa waxaa socdaalkoodan xuduuda BeledXaawo ku wehlinaya ciidan ka tirsan kuwa Militariga Kenya, sida uu sheegay Suldaan Axmed Guuleed oo ka mid ah Waxgaradka Degmada BeledXaawo.

Suldaan Axmed Guuleed oo la hadlay Idaacadda Radio Kulmiye ayaa iftiimiyay ciidamadan in ay ku sugan yihiin xuduuda labada dal, gaar ahaan qaybta Kenya, isla-markaana aysan u soo gudbin dhinaca Somaliya.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo gelinkii dambe ee Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay warkii ka soo yeeray Isu Duwaha Siyaasadda Maraykanka ee Golaha Ammaanka, Rodney Hunter iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan, ee walaaca kaga muujiyeen tallaabada Dowladda Federaalka, ay ciidamada ugu daabushay Gobolka Gedo.

Rodney Hunter ayaa kulan ay lahaayen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka hor sheegay inaanan la aqbali karin Ciidamada Dowladda Federaalka geysay Gobolkaasi Gedo.

Jubbaland ayaa waxay ciidamadan geynaysaa xuduuda Degmada Beled Xaawo, xilli Beesha Caalamka aanay kalsooni u muujin Ciidamadii Dowladda, ee horaantii bishan la wareegay gacan ku haynta Degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo.

Wasiir Janan ayaa toddobadkii koobaad ee bishan, mar uu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee BBC waxaa uu sheegay inay hoos yimaadaan ciidan ka tayo wanaagsan kuwa dowladda, oo aan xilligaasi joogin Gobolka Gedo, balse marka uu u baahdo uu u yeeri doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...