Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad (Beyle) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa dhaliilay Madaxweynaha Galmudug, ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad ayaa marka hore meesha ka saaray in ay socoto waan-waan nabadeed, oo ay garwadeen ka yihiin Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo Dowladda Federaalka.
“Galmudug wax waan-waan ah oo u socoto oo dib u heshiisiin iyo xiriir, oo dowladda iyo Qoorqoor ay wadaan, midna majiraan, saacadaan, illaa maalintii la doortay Qoorqoor.” Ayuu yiri Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad.
Waxaa uu sheegay ka dib doorashadii Madaxweyne Qoorqoor, ay Odayaasha Dhaqanka kula heshiiyeen Madaxweynaha in shaqada ugu horeysa ee la qabanayo ay noqoto dib u heshiisiin loo samaynayo beelaha Galmudug, balse Madaxweynuhu uu ku ballan-furay, isla-markaana uu weerar ku bilaabay Odayaasha Dhaqanka, qaybtooda.
“Qoorqoor waa ninkii la doortay oo Madaxweynaha loo doortay, haddaan nahay Odayaasha Dhaqanka ballan baan lahayn, waxaan ku ballanay in la galo dib u heshiisiin, oo shaqada in laga bilaabo dib u heshiisiin.” Ayuu yiri Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad.
Waxa uu intaa ku daray “Meeshii wadahadal laga bilaabi lahaa wuxuu bilaabay qayb ka mida odayaashii heshiiskaasi la galay dagaal inuu ku qaado, aanaan loogu talagalin. Dadku awood qaybsi buu wax ku kala qaybsadaa. Dowladdii Federaalka waxay la tashatay qayb ka mid ah Senatoro iyo Xildhibaano, oo aan horukaca dowladdaba shaqaynin ee ka shaqaynaya isu dhac beeleed.”
Isagoo ka qayb qaadanayay Barnaamijka Doodda Gaaban ee Arbacadii ka baxay VOA ayuu yiri “Dowladda jidkeedii ay mari laheyd bay gaftay, shaqadaa raggii lahaa waa saxiixe-yaashii dowladdaan dhisay, ayagii baala ag-marsiiyay, waala afduubay, waxaana afduubay shakhsiyaad la taliye-yaal u ah Madaxweynaha Federaalka, taasoo aan waxba ku dhismaynin, kana shaqaynaya waxyaabo aan aad iyo aad u fiicnayn.”
Nabadoon Beyle ayaa ku celiyay inaanay Galmudug-ta cusub ku hana-qaadi doonin dhabaha iminka lagu wajahayo, haddii aan marjaceedii lagu soo celin, oo uu ku sheegay Odayaashii Dhaqanka, ee markii horeba soo dhisay.
“Sidaa daraadeed waxaan soo jeedinaynaa waxyaabahaan ammaan, ammaantiyo waxba ka dhismi maayaan, waxna kama muuqdaan, haddaan jidka xaqa oo dhabta ah loo soo gudbin amaba loo soo celin, oo ah odayaashii dhistay.” Ayuu yiri Suldaan Beyle.
Doorashadii 2dii bishan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayay ku kala qaybsameen dadka reer Galmudug, kuwaa oo qaarkood dowladda ku dhaliilay in doorashada ay ku garab siisay cid gaara.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






