Galgaduud (Halqaran.com) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa soo baxeysa khasaaraha ka dhashay dagaallada Jimcihii maanta ka kala dhacay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo markii hore ka qarxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku fiday Magaalada Guriceel ee Xaruntii hore ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Ciidamada Dowladda ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta Saldhiga Booliska Guriceel, oo saacado ka hor ay dagaalka kula wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna.
Inta la’ogyahay laba qof ayaa ku dhimatay dagaalka barqanimadii maanta ka qarxay Magaalada Guriceel, soona gaaray 1:30 duhurnimo ee xilliga Geeska Afrika.
Dagaalka kale ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay, oo hal qof oo rayid ahna uu ku jiro.
Sidoo kale waxaa jira illaa toban qof oo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray dagaalkii saakay dib uga qarxay Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.
Dagaalka ayaa waxay si weyn u saameeyeen isbitaalka guud ee Dhuusamareeb, waxaana adag in dhaawacyada la geeyo isbitaalkaasi, haddii ay labada dhinac isu horfadhiyan wadooyinka soo gala.
Shacabka reer Dhuusamareeb oo ka walaacsan dhiilada colaadeed ee magaalada ku soo korodhay ayaa yareeyay isu socodkii magaalada, waxayna intooda badan ay ku nagaadeen guryahooda.
Dhanka kale waxaa isa soo taraya Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee labada dhinac ugu baaqaya in ay dagaalka joojiyan, xaaladana ay mid caadiya ku soo celiyan.
Si kastaba ha’ahaatee, xiisadan ku soo kororty Gobolka Galgaduud ayaa ka dhalatay doorashadii la isku khilaafay, ee 2dii bishan ay Dowladda Federaalka ku qabatay Magaalada Dhuusamareeb, laguna soo doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






