Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

UPDATE: Somaliland oo shaacisay kiisas cusub oo Covid-19 ah

Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqday natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Somaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 59 Ruux, balse 17 kamid ah Cudurka laga helay, kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 9 Rag ah Afar Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 9 Ruux Magaalada Hargeysa, halka 4 kale ay ku sugan yihiin magaalada Berbera.

Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Somaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay, waxaana weli deegaannada Somaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn, Guddiga waxa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Somaliland ay gaartay 479 Ruux 81 Qof ay ka bogsoodeen halka 26 Ruux ay u geeriyoodeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...