Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabelle ‘Waare’ oo si lama filaan u taageeray go’aankii Aqalka sare (Maxa cusub)

Jowhar (Halqaran.com) – Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdilaahi, kaas oo ku aadanaa in la qabto shir ay arrimaha doorashooyinka uga tashanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada oo ku qornaa Soomaali iyo English ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweeynayaan Go’aanka guddoomiyaha Aqalka Sare, isla markaana loo turo Shacbaka Soomaaliyeed danta gaarka ahna laga hormariyo danta Guud.

Hirshabelle ayaa sidoo kale sheegtay, inay ka qayb galayaan Shir kasta oo looga hadlaayo danaha shacabka Soomaaliyeed, maadaama shacabka doonayaan in loo turo.

Si kastaba, taageerada maamulka Hirshabelle u muujisay Shirkii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare uu iclaamiyay ayaa ah mid aanan la filayn, maadaama Hirshabelle lagu tiriyo Maamulada taageersan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...