Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

UPDATE: AMISOM oo xaqiijisay in ciidankooda ay ‘Dad Rayid’ ah ku dileen Shabeellaha Hoose

Janaale (Halqaran.com) – Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa qiray in dad shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaad dhex-maray ciidankooda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

War qoraal ah oo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in 8-dii June ay dagaalyahanada Al-Shabaab soo weerareen waddo agabka loo mariyo ciidanka Amisom oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Janaale, kadibna iska hor-imaad ka dhashay jawaabtii ay bixiyeen ciidamada Amisom ay ku dhinteen dad shacab ah.

“Nasiib darro, saddex haween ah ayaa lagu dilay iska hor-imaadka waxaana lagu dhaawacay laba kale, oo hadda lagu daweynayo isbitalka Amisom. Waxaa raali-gelin iyo tacsi u direynaa ehellada kuwa dhintay, waxaana kasoo kabasho deg-deg ah u rajeeneynaa kuwa dhaawaca ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AMISOM.

Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadka dhintay, wuxuuna ballan-qaaday inay sare u qaadi doonaan sugidda amniga si loo xaqiijiyo bad-baadinta shacabka.

Ugu dambeyn, dagaalada dhexmara Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhasha Khasaare kala duwan oo soo gaara dadka shacabka ah ee ka madax banaan dagaalada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...