Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa maanta maxkamadda sare ee Puntland dib uga furmay dhageysiga kiiska saddex nin oo loo heysto kufsigii iyo dilkii marxuumad Caasho Ilyaas Aadan ee magaalada Gaalkacyo.
Saddexdan Nin oo horey maxkamadda darajada koowaad iyo rafcaanka ay xukunno dil toogasho ah ku ku riday ayaa howshooda ka duwaneyd sidii hore.
Qaar ka mid ah eedeysanayaashaasi ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay dambigii lagu soo eedeeyay.
Ninka lagu magacaabo, Cabdifataax Cabdi-Shakuur Warsame ayaa qirtay dambi iyo kiiska lagu heystay, isagoona sheegay inuu kula jiray Cabdi-shakuur Maxamed Dige oo 45 jir ah, balse ninka iska fogeeyay kiiska lagu soo eedeeyay.
Xafiiska Halqaran.com, Gaalkacyo
Halqarannews@gmail.com