DEG DEG – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jubbaland oo mar kale dib loo doortay & Ku-xigeenadiisa

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa goor-dhow magaalada Kismaayo lagu doortay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana doortay xildhibaannada Baarlamaanka.

Xilka guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, ayaa waxaa ku loolamayay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali,  waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland.

Codadka doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, waxaa loo kala helay, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay 55 Cod, halka Xuseen Shiinow Cali uu helay 18 Cod.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdi-raxmaan ayaa lagu tilmaamaa Saaxiibadda dhow ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), wuxuuna guddoomiye ka ahaa baarlamaankii 1-aad ee Jubbaland.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland, ayaa  waxaa isku soo sharraxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, wuxuuna helay 72 cod oo aheyd codeeyay gacan taag ah.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland, waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen oo helay 73 cod, waase loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin.

Guddoonka cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhammaan ah, hoggaamiyayaashii hore baarlamaankii Koowaad ee Jubbaland.

La soco oo isha ku haay mar walba warbaahinta qarniga cusub ee Halqaran.com

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com