DHAGEYSO: Mareykanka oo soo saaray Sharci Cusub oo saameyn doona soo-galootiga, Soomaalidana ay ku jirto!

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale toddobaadkan ku dhawaaqay sharci cusub oo si weyn u saameyn doona dadka soo-galootiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto, kuwaasi oo jooga dalka Mareykanka.

Maamulka Trump, ayaa sheegay, in sharcigan cusub oo si gaar ah u taabanaya dadka soo-galootiga ah, gaar ahaan dadka aan aqoonin luuqadda Ingiriiska iyo kuwa kaalmada (Ceyrta) ka qaata dowladda Mareykanka.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sharcigan cusub iyo saameyta uu Soomaalida Mareykanka ku yeelan doonta ka wareysatay, Aadan Bataar oo madax ka ah hay’adda socdaalka iyo dib u dejinta qaxootiga ee gobolka Utah, taasoo u adeegta dhammaan dadka soo galaya dalka Mareykanka ee doonaya inay sharci ka helaan dalkaasi.

Haddaba Hoos ka dhageyso wareysigan muhiimka ah:

Xafiiska Halqaran.com, London
Halqarannews@gmail.com