Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Guddoomiyihii degmada Qoryooley oo Qarax lagu dilay

Qoryooley (Halqaran.com) – Guddoomiyihii degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Saciid Ibraahim Xasan ayaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso lagula eegtay gudaha degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani lagu dilay Guddoomiyihii degmada Qoryooley Saciid Ibraahim Xasan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose,

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxani oo xooggaan uu qabsaday gaari uu saarnaa Guddoomiyaha.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa si deg deg u tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Saciid Ibraahim.

Weli kama aysan hadlin maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo kan Koonfur Galbeed.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan sheegata mas’uuliyada qaraxyada noocaan oo kale ee lagu dilo mas’uuliyiinta, dhowr jeer oo horey ayaa qaraxyo lagu dilay Guddoomiyeyaal degmo ka tirsanaa Gobolka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...