Qoryooley (Halqaran.com) – Guddoomiyihii degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Saciid Ibraahim Xasan ayaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso lagula eegtay gudaha degmadaas.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani lagu dilay Guddoomiyihii degmada Qoryooley Saciid Ibraahim Xasan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose,
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxani oo xooggaan uu qabsaday gaari uu saarnaa Guddoomiyaha.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa si deg deg u tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Saciid Ibraahim.
Weli kama aysan hadlin maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo kan Koonfur Galbeed.
Ururka Al-shabaab ayaa inta badan sheegata mas’uuliyada qaraxyada noocaan oo kale ee lagu dilo mas’uuliyiinta, dhowr jeer oo horey ayaa qaraxyo lagu dilay Guddoomiyeyaal degmo ka tirsanaa Gobolka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com