Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

UPDATE: Gaari Qaad (Jaad) farabadan siday oo lagu qabtay Somaliland

Qaad (Jaad) /Sawir tusaale ah/HQ

Hargeysa (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa Axaddii Maanta waxaa ay gacanta ku dhigeen gaari siday Qaad (Jaad) farabadan, iyaga oo fulinayay amar ka soo baxay guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19.

Gaarigaan Jaadka siday ayaa Ciidamada Somaliland waxaa ay ka qabteen Gobolka ay Soaaliland u taqaano Howd, iyaga oo keenay magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Gobolka ay Somaliland u taqaano Howd ayaa sheegay in Gaarigaas uu jaadka ka keenay dhinaca Itoobiya, isla markaana iyaga oo fulinaya amarka Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ay gaariga iyo Saddex qof oo la socotay ay ku wareejiyeen guddiga ka hortagga Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in marnaba aysan oggolaan doonin in dhinacooda uu ka soo galo jaad ka yimaado Itoobiya, si loo xakameeyo faafitaanka Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay deegaannada Somaliland.

Ugu dambeyn, tallaabadaan ayaa waxaa ay daba socotay amar kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Seylici ahna guddoomiyaha guddiga, kaas oo ku saabsanaa in muddo 25 maalmood ah la hakiyey keenista qaadka, isla markaana ciddii lagu arkaa tallaabo laga qaadi doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...