Tuesday, May 26, 2026
26.2 C
Mogadishu

Duqii hore Muqdisho Taabit Cabdi oo nasiib darro ku tilmaanay in askartii wax badbaadin laheyd ay dilaan shacabka!

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed /Sawir hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadley dadkii rayidka ahaa ee Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu ku dilay Muqdisho.

Taabit Cabdi, qoraal dheer oo uu soo saaray ayuu eheladooda uga tacsiyadeeyey dadkii la dilay, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamey in askartii wax badbaadin laheyd ee dadka disho.

Wuxuu kaloo Shacabka ku kool Gobolkaan Banaadir ugu baaqay inay u hoggaansamaan Awaamiirta Bandowga ah oo ay dowladda soo saartay.

Halka hoose ka akhriso qoraalka Taabit Cabdi.

Allaha u naxariisto Madiino Cabdullahi iyo Xassan Cali oo ay ciidanku ku dileen Boondheere. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoysaska marxuumiinta, samir iyo iimaanna Allaha ka wada siiyo.

Waa ayaan-darro iyo qalbi jab in askartii wax badbaadin lahayd iyagii dhimasho sababeen. Madaama lasoo xiray gacan-ku-dhiiglihii, waxaan rajeynayaa in cadaaladda la waafajiyo. Arrinta Bandoowga waxay u baahan tahay wacyigelin ballaaran iyo inaan la sahashan halista ka dhalan karta bulsho iyo ciidan aan Bandoow horey u arag.

Dhacdooyinkii shalay iyo habeen hore wax la aqbali karo ma ahan, waana in Madaxda iyo Hay’addaha amnigu wax ka bartaan,kana foggaadaan waxwalba oo dadkeena dulqaadka badan wax u dhimi kara.

Shacabkeena waxaan leeyahay madaama Bandoowgii lagu soo celiyay 8:00 fiidnimo, fadlan u hoggaansama, hadii aad aragtaan wax aydan qaadan karin, si nabdoon u bannaanbaxa oo yaanan la isku qaldin askari qalad galay iyo astaamaha Qaranka. Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa in dadka la dhiso ayaa ka horeysa in dalka la dhisaa, si dadku wax u xeeriyaan waqtiyada adag iyo waqtiyada baraarahaba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...