UPDATE: Faah-faahin cusub iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ku dhintay qaraxii duleedka Balcad

Balcad (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaysa Qarax miino oo duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe lagula eegtay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Wararka aynu haleyno ayaa sheegaya, qaraxaasi uu ku dhintay Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Sabriye.

Sidoo kale, qaraxaasi waxaa ku dhintay Saddex Askari oo ka mid ahaay illaalada Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabellaha dhexe ee Qaraxa miinada lagu dilay.

Kolonyada gaadiidka ee masuuliyiintaan galbinaysay ayaa ka baxay magaalada Balcad, waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Ammaanka wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxa uu yahay mid halis ah oo aanan la isku haleyn karin.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa horay wadadan waxay ku dileen Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo waddada ay u galeen gaadiidkii ay la socdeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com