Kismaayo (Halqaran.com) – Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dhaawaca, Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka ee mamaulkaasi, kaas oo xalay lagu weeraray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Mr. Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Maxaa kajira in ciidankii Puntland ka soo baxeen Tukaraq? & Gen.Yaasin oo ka hadlay sababta! (Maxaa Cusub?)
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Madaxweynaha Somaliland ‚Biixi‘ oo sheegay inay joojiyeen Saldhigii Milatari ee imaaraadku uu ka dhisayey Berbera
- XOG XASAASI: KENYA oo ku dhawaaqday qorshe cusub oo kiiska badda ay ku baabi’ineyso!!!
- UPDATE: Ururka Al-Shabaab War ka soo saartay qaraxii lagu dilay mas’uuliyiin caan ah oo ka tirsanaa Hirshabeelle
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi.
Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland, ayaa ugu baaqay shacabka Kismaayo in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee maamulkaasi, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.
Waxa degan muddooyinkii dambe amniga Kismaayo, iyadoona dilkan uu noqonayaa kii kowaad, tan iyo markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen magaaladaasi.
Hoos ka dhageyso Codka:
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com