Saturday, May 16, 2026
30.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Jubbaland oo war ka soo saartay dhaawaca Abuukaate Axmed Qolyar & Xaaladdiisa…

Kismaayo (Halqaran.com) – Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dhaawaca, Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka ee mamaulkaasi, kaas  oo xalay lagu weeraray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Mr. Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland, ayaa ugu baaqay shacabka Kismaayo in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee maamulkaasi, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Waxa degan muddooyinkii dambe amniga Kismaayo, iyadoona dilkan uu noqonayaa kii kowaad, tan iyo markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen magaaladaasi.

Hoos ka dhageyso Codka:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...