Tuesday, May 12, 2026
30.9 C
Mogadishu

Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay deegaan ka tirsan G/Sanaag & Wararkii ugu dambeeyay

Sanaag (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag, aya sheegaya, in dagaal khasaare geystay uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Fadhigaab oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkaasi ay ku dhinteen laba ruux, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Ceelafweyn oo hoostagtay deegaanka lagu dagaallamay.

Dagaalka ayaa la sheegay, in maleeshiyaadka dagaallamay ay isku heystaan dhul ku yaalla halkaasi, waxaana weli la maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac.

Ugu dambeyn, degmada Ceelafweyn iyo deegaanno hoostaga ayaa waxaa dhowr jeer ku soo laab laabtey dagaal  beeleedyada, iyada oo Somaliland ay ku guul dareysatay xalka gaarista dagaal beeleedyadaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...