Garowe (Halqaran.com) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen inay kordhinayaan Xarumaha lagula tacaalayo dadka laga helo ama looga shakiyo Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.
War ka soo baxay guddiga ka hortaga Covid-19 ayaa lagu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dhammaan deegaannada Puntland loogu sameyn lahaa xarumo dadka lagu karantiilo oo ah kuwo muhiim ah.
Guddiga waxaa ay sheegeen in ay dadaal kasta u galayaan ka hortegida Coronavirus, iyada oo aysan jirin kiisas la xiriira Coronavirus oo laga halay magaalooyinka Puntland.
Si kastaba, guddiga ayaa waxa ay sheegeen inay horey dad u karantiileen sidoo kale ay sugayaan natiijada dad laga shakiyey oo dheecaankooda baaris loogu direy Kenya, isla markaana jawaabta ay sugayaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






