Doolow (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ammaanka Garoonka diyaaradaha ay la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidankaan ay garoonka ku soo dhaweeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo bilooyin ka hor la geeyay gobolka Gedo.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidankan ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada sugi doona Ammaanka Doolow.
Ciidankan ayaa la sheegay in ay shalay kasoo talaabeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
DF Soomaaliya ayaa horay garoonka Dolow uga la wareegtay Ciidanka maamulka Jubbaland, kadib markii khilaaf xooggan uu soo gala dhex galay Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






