Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Somaliland ”Maalmaha soo socda waxaa deegaannadeena ku soo wajahan Roobab xooggan”

Roobab /Sawir hore/

Hargeysa (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo ay Weheliyaan Agaasimka Waaxda Saadaasha Hawada ee wasaaradda Beeraha ayaa sheegay in roobab ay kusoo wajahan yihiin deegaanada Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay inuu bilaabmayo Roobka Gu’ga Ee 2020  22 ,23 ilaa 24 march, waxaana uu saddexdaa Maalmood Ka bilaabmayaa Gobolada Galbeedka Somaliland.

24, 25 ilaa 26 march Waxa Uu Ka Bilaabmayaa Gobolada Bariga Somaliland, Waxaana Uu Wasiirku Sheegay In Roobab Aad u Wanaagsani Ka Di i doonaan Gobolada Somaliland.

Sidoo Kale, Waxa Uu Wasiirku Fariin U Diray Dhamaanba Beeralayda Somaliland  Ee Ku Hawlan Dhinaca Wax Soo Saarka La Qooto Inay U Diyaar Garoobaan Sidii Ay U Xoojin Lahaayeen Wax Soo Saarka Sidii Sanadkii Dhawaa Ee 2019 Oo Ahaa Mid Gayiga Somaliland Dhamaanba Ay Kasoo Go een Wax Soo Saarkii Ugu Badnaa.

Roobab ayaa  ka curtay qaar ka mid ah goboladda Soomaaliya, waxaana roobabkaasi qaarkood ay ka da’een meelo ay ka jireen maalmihii lasoo dhaafay kuleel daran.

Meelaha roobab wanaagsan ka curteen waxaa ka mid ah Gobolada Mudug,  Awdal ,Galgaduud, Togdheer iyo Sool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...