Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay dalalka dadka ka imaanaya ee la karantiili doono (Akhri dalalkaasi)


Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, Waxa ay sheegtay in ay gali doonaan karantiil muddo 14 beri ah oo ka billaabanaysa maalinta ay yimaadaan dhammaan Muwaadiniinta ka yimaadda dalalka kala ah.

  1. Shiinaha
  2. Yurub
  3. Maraykanka
  4. Koonfurta Kuuriya
  5. Australia
  6. Canada
  7. Turkiga
  8. Pakistan
  9. Masar
  10. Hindiya
  11. Imaaradka Carabta
  12. Malaysia
  13. Sacuudiga
  14. Koonfur Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta fasaxday duulimaadyadda caalamiga ah muddo labo maalmood ah si ay dalka u yimaadaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Caalamka ku xayiran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...